Massajidka Beerta

Waxaa Xarunta beerta Madadaalada kuugu taalo Masaajid aad cibaadadaada kaga bogan karto kadibna aad dib ugu noqon doontid cayaarahaadii iyo Caweeyskii aad u timid Beerta Madadaalada.

Guriga aad dagaysid jikadiisa.

Gurigaan goglan waxaa kuugu yaalo Jiko aad u qurux badan oo wax walba wadata. waxa kaliya ood u baahantahay inaad soo adeegato ood firijeerka soo buuxsato si aad raashinkaada u karsto hadii aay qoys wada socda tihiiin.

Qolka Jiifka.

Qolka Jiifka ee laguu diyaariyay waxaad ka helaysaa jiif aad u macaan oo ku farxad galiya, waxaa intaa kuu dheer Mukayf aad u qabow oo kuu diidayaba inaad hurdada dhakhso ka kacdo.

Fadhiq guriga aad dagi doonto.

Fadhigaan waa fadhi aad u casriyeeysan, waxaa kuugu diyaarsan Samrt TV aad u wayn iyo Computer aad ka gali karto dhamaan social media yadaada hadaba hamoogaan oo haka maqnaanin

Qiimaha Guriga halka qol ee goglan.

Guriga halka qol iyo Fadhigiisa iyo Musqushiisa goglan waxaa lagu kireeynayaa bishii $500 oo doolar, waxaana Maalin walba guriga kuu hagaajin doono shaqaalo loo carbiyeeyay.

Qiimaha Guriga 2bada Qol.

Guriga 2bada qol waxa uu ka kooban yahay 2 qol iyo Fadhi iyo Musqul aad u qurux badan waxaana kuu dheer Jiko aad wax ku karsan karto. Qiimaha kirada waa $700 Bishii, waxaana maalin walba kuu hagaajin doono shaqaale loo carbiyay.

Qiimaha Guriga 3qol ka kooban.

Gurigaan waxuu ka kooban yahay 3qol, iyo Fadhi, waxaa kaloo uu leeyahay Jiko iyo Musqul aad loo casriyeeyay. Qiimaha gurigaa waa $900 oo doolar oo kaliyeeto, waxaad ku dagi kartaan Qoys ka kooban 8 Ruux, waxaana Maalin walba idiin adeegi doono shaqaale loo carbiyay.

Sida uu egyahay Dabaq walba.

Dabaq walba waxa uu ka kooban yahay 8 guri oo aad loo goglay hadaba hamoogaan oo haka maqnaan.