Goordhow Waxaa la idiin furi doonaa  Beerta Madadaalada Abuukar Taasoo laga furi doono Magaalada  Jigjiga ee Dowalad deegaanka Somalida
Hadaba taabo fiidiyowga hoose si aad u daawato.

Maxeey qabaytaa Abukar Entertainment Park?

Maxeey qabaytaa Abukar Entertainment Park?

24/12/2023

Ku Soo Dhawoow Beerta Madadaalada Abukar, Beertaan waxaa ku cayaari kara carruuraha da' kastaba leh, Beertaan waa mid soojiidasha fiican eh, Caruurta waxaa ugu dhismaya jirkooda, waxaa kaloo ugu dhismaya maskaxdooda, waxeey ka helayaan Cayaaro kala duwan oo farax galiya.

Read More
Guryo si qurxoon loo goglay. (Fully Furnished Apartments)

Guryo si qurxoon loo goglay. (Fully Furnished Apartments)

1/06/2023

Abukar Entertainments Park waxeey ku haysaa guryo si wanaagsan loo gogllay oo qaado ka maqnayn, Gurigaan waxaa ku kuwada nasan doono adiga iyo qoyskaadaba, waana mid qiimihiisa ku farax galiya.

Read More
Ma rabtaa Maqaaxiyooyin ku raali galiya.

Ma rabtaa Maqaaxiyooyin ku raali galiya.

6/02/2020

Jigjiga Abukar Entertainments Park waxaad ka heli kartaa Maqaaxiyooyin kala duwan, kuwaasoo ku farax galin doono, Ha noqdaan Raashinka Carabaha, kuwa reer galbeedka iyo dalkeena hooyo. Hadaba soo boqo xarunta beerta mada daalada ee jigjiga la idinkaga furay.

Read More
Maxeey idiin diyaarisay Beerta madadaalada Abukar?
Beerta Madadaalada Abukar, waxeey idiin diyaarisay meelo Lagu caweeyo ama lagu cayaaro, taasoo isugu jiraan, Madadaalada caruurta noocyadeeda kala duwan, Cayaaraha dadka waa wayn sida Kubada cagta iyo tan koloyga, iyo Meelo jirka lagu dhisto oo loo kala qaybiyay rag iyo dumar. Waxaa kaloo la idiin diyaariayay Beerta xayawaanka oo aad kuu farax galin doonto iyo Maqaaxiyooyin kala duwan oo aad ka heli doonto noocyada kala duwan ee raashinka iyo Guryo goglan oo aad u qurxan oo ku farax galiya.

Indoor Basketball

Garoonka kubadda koloyga waa meel aad loo diyaarshay oo aadan dhakhso ku daaleeynin markaad ku cayaareeyso, sababtuna ay tahay qalabka la galiyay garoonka kaasoo qofka sii jeclaysiinaya inuu cayaartiisa sii wato.

Beerta Biyaha lagu soo Taraaraxo

Beerta Cayaaraha biyaha, waa meel aad kuu qancin doonto, markaad u soo cayaar tagto, taasoo si aad u heersareeyso loo diyaariyay. Biyahaan waxeey kaasoo qaadi doonaan meel 150 mitir ah, kadib seey kuu soo wadaan axeey kugu soo tuuri doontaa barkad biyo oo aad u nadiifsan, si kastood oogu soo dhacdana aadan waxba ku noqon doonin, hadaba soo booqo xarunta beerta madadaalada Abukar ee Jigjiga.

Meelaha Jirdhiska

Qaybta jirdhiska waxaa loo diyaariyay Meel Rag ah iyo Meel dumar ah, waxaadna ka helaysaa qalabyada lagu jimicsado oo dhan iyo biraha jirka lagu dhisto oo kala duwan, qalabkaan oo laga keenay dalka dibadiisa ayaa waxaa kuu taba bari doono dad khibrad u leh, hadaba waxaa kaa rajeeyneeynaa inaad na soo booqato. Waxaa kaloo ku dhax yaalo Barkada dabaasho oo aad u nadiif ah, kuna farax galin doono.

Massajidka Beerta

Waxaa Xarunta beerta Madadaalada kuugu taalo Masaajid aad cibaadadaada kaga bogan karto kadibna aad dib ugu noqon doontid cayaarahaadii iyo Caweeyskii aad u timid Beerta Madadaalada.

Guriga aad dagaysid jikadiisa.

Gurigaan goglan waxaa kuugu yaalo Jiko aad u qurux badan oo wax walba wadata. waxa kaliya ood u baahantahay inaad soo adeegato ood firijeerka soo buuxsato si aad raashinkaada u karsto hadii aay qoys wada socda tihiiin.

Qolka Jiifka.

Qolka Jiifka ee laguu diyaariyay waxaad ka helaysaa jiif aad u macaan oo ku farxad galiya, waxaa intaa kuu dheer Mukayf aad u qabow oo kuu diidayaba inaad hurdada dhakhso ka kacdo.

Fadhiq guriga aad dagi doonto.

Fadhigaan waa fadhi aad u casriyeeysan, waxaa kuugu diyaarsan Samrt TV aad u wayn iyo Computer aad ka gali karto dhamaan social media yadaada hadaba hamoogaan oo haka maqnaanin

Qiimaha Guriga halka qol ee goglan.

Guriga halka qol iyo Fadhigiisa iyo Musqushiisa goglan waxaa lagu kireeynayaa bishii $500 oo doolar, waxaana Maalin walba guriga kuu hagaajin doono shaqaalo loo carbiyeeyay.

Qiimaha Guriga 2bada Qol.

Guriga 2bada qol waxa uu ka kooban yahay 2 qol iyo Fadhi iyo Musqul aad u qurux badan waxaana kuu dheer Jiko aad wax ku karsan karto. Qiimaha kirada waa $700 Bishii, waxaana maalin walba kuu hagaajin doono shaqaale loo carbiyay.

Qiimaha Guriga 3qol ka kooban.

Gurigaan waxuu ka kooban yahay 3qol, iyo Fadhi, waxaa kaloo uu leeyahay Jiko iyo Musqul aad loo casriyeeyay. Qiimaha gurigaa waa $900 oo doolar oo kaliyeeto, waxaad ku dagi kartaan Qoys ka kooban 8 Ruux, waxaana Maalin walba idiin adeegi doono shaqaale loo carbiyay.

Sida uu egyahay Dabaq walba.

Dabaq walba waxa uu ka kooban yahay 8 guri oo aad loo goglay hadaba hamoogaan oo haka maqnaan.